waxaa laydiin banneeyey inaad Habeenka Soonka is aragtaan Haweenka, maxaayeelay dhar (asturaad bay) idiinyihiin, idinkuna dhar (asturaad baad) u tihiin, Eebana wuxuu ogaaday inaad Khayaamayseen Naftiinna. wuuna idinka toobad aqbalay idina cafiyey ee haddu u tega Haweenkiina kana doona waxaa Eebe idiinku Qoray, Cuna oo Cabbana intuu ka muuqdo liilanka cadi (waagu) kan madow Aroortii, dhammeeyana Soonka tan iyo Habeenka hana u tagina Haweenka idinkoo ku nagi Masaajidda taasina waa xuduudda (Soohdinta) Eebe ee haw dhawaanina, saasuuna ugu Caddayn Eebe aayaadkiisa Dadka si ay u dhawrsadaan,